Wasaaradda caafimaadka oo beenisay inay dayacday dhakhaatiirta

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeymo kaga yimid dhakhaatiirta wadanka oo ku aaddan inaysan daryeelin saraakiishan.

Tani ayaa timid kaddib markii ururrada kala duwan ee howlwadeenada caafimaadka sida KMPDU, KUCO iyo KNUN ay sheegeen inay shaqo joojin sameynayaan.

KMPDU ayaa dowladda dhexe u qabatay muddo 21 cisho ah halka dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada ee ururka KUCO iyo kalkaaliyaasha ay soo saareen digniino ah inay 14 cisho kaddib shaqo joojin qaran ku dhaqaqayaan.

Waxay cabasho ka muujinayaan lacago ka maqan, in aan la siin gunnooyinka la xiriira halista shaqada iyo agabka la isaga difaaco cudurka COVID-19 ee loo yaqaano PPEs.

Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay inay dowladda ku dadaalayso tixgelinta tabashooyinka dhakhaatiirta.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.