Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo dadka dalka ka dhoofaya ku amartay iney iska baaraan Sheybaarka qaranka

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya ayaa waxay soo saartay amar ah , in shkahsiga ka dhoofaya dalka uu warqadda cadeyneysa baaristiisa caafimaad ee COVID-19, ka qaadan karo sheybaarka qaranka oo keliya.

Warka kasoo baxay wasaaradda oo ah mid qoraal ah ayaa lagu sheegay in aan la aqbali doonin , wax shahaaddo kale ah oo laga soo qaatay xarun kale oo caafimaad.

Sidoo kale, warka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu qeexay, in la diyaariyay hannaan Online ah oo lagu hubin doono warqadaha qofka dhoofayo uu wato ee muujinaya baaristiisa caafimaad ee COVID-19.

Waxa uu iska baari karaa qofka doonaya inuu safro keliya Cisbitaallada Banaadir iyo De Martino ee magaalada Muqdisho.

Warkaan ayaa waxa uu kasoo baxay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya, xilli weli Soomaaliya ay xanibanyihiin duullimaadyadii caalamiga ahaa .

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.