Wasaaradda tacliinta oo soo saaraysa lacagaha dugsiyada dowladda

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in dowladdu ay soo saari doonto lacagaha loogu talagalay dugsiyada dowliga ah.

Sido kale waxaa si lacag la’aan maaskaro ama axirka loogu qaybinayaa ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah.

Magoha ayaa waalidiinta iyo macallimiinta ugu baaqay inay xaqiijiyaan in ardayda kale ay iibsadaan maaskarada xilliga dib loo furaya dugsiyada.

Arrintan ayuu wasiirka ka hadlay xilli uu maanta ku sugnaa machadka farsamada ee ismaamulka Kisumu.

Wasiirka ayaa warbaahinta u sheegay in dugsiyada dowladda dhaqaalaha ay u baahan yihiin lagu wareejin doono beeri oo khamiis ah.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.