Wasiir Dubbe: War niman yahow doorashada halaga daayo malxiiska niqaaban

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Senator Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa guddiga doorashada ugu baaqay in wax laga qabto musharraxiinta la imaanaya wuxuu ugu yeeray malxiiska doorashada.

Senotor Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlayay kulan Muqdisho ka dhacay, ayaa sheegay in doorashada oo si qurux badan u dhacda ay muhiim u tahay sharafta dalka, horumarka iyo  nabad galyada.

“Waxaan leeyahay war niman yahow doorashada halaga daayo malxiiska, haddaanan malxiiska laga deynayn, war niman yahow halaga daayo malxiiska niqaaban,” ayuu yiri Cismaan Dubbe.

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa kusoo aadaya, iyadoo inta badan musharraxiinta kusoo baxay kuraasta aqalka sare ay kusoo baxeen doorasho qofkii la tartami lahaa uu musharraxu isagu la yimid.

Doorashooyinka nuucaan ah ayaa ku badnaa dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, halkaas oo inta badan ay musharraxiinta ku yimaadeen iyagoo loo tanaasulay ama la yimid musharrax loogu yeeray malxiis.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.