Wasiir Duraan Faarah oo kala hadlay guddiga Diyaaradaha xayiraadda duulimaad ee Kenya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta la kulmay guddiga shirkadaha Diyaaradaha Dalka, maalin ka dib markii ay Kenya xayirtay duulimaadyada Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay hannaan lagu wajahayo inaysan saameyn ku yeelan Diyaaradaha xayiraadda Dowladda Kenya ku soo rogtay isu-socodka, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Wasiirka.

“Waxaan ballan-qaadayaa in Dowladda ay kala shaqeynayso ganacsatada Diyaaradaha wax kasta oo u sahlaya inuusan go’aankan saameyn ku yeelan. “ ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’aantahay in la hormariyo iskaashiga duulimaadyada waddamada gobolka.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.