Wasiirada Arrimaha Dibbada Soomaaliya iyo Kenya oo qadka taleefanka ku wadahadlay

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Kenya Danjire Raychelle Omamo ayaa kawada hadlay dib usoo celinta xiriirka labada Dowladood iyo in dib loo furo safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradaha arrimaha dibadda labada Dowladood ayaa lagu faah-faahiyay diiradda la saaro arrimaha Amniga, Ganacsiga iyo xoojinta cilaaqaadka Soomaaliya iyo Kenya.

Labada wasiir ayaa muujiyay muhimada ay leedahay in dib loo furo safaaradaha labada dowladood ku wada leeyihiin magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Sidoo kale, waxaa qoraalada ka soo baxay labada dowladood lagu sheegay in labada Wasiir ay ku heshiiyeen in la sii wado marinnada diblomaasiyadeed ee labada wadan iyo dhammaan arrimaha xiriirka diblomaasiyadeed ee istiraatiijiyadeed.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.