Wasiirka tacliinta oo amar ka soo saaray dib u furka dugsiyada
- 30/06/2020
- Posted by: damal
- Category: Waraka
No Comments

Wasiirka waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maamullada xarumaha farsamada ku amray inay u diyaar garoobaan in goobahaas dib loo furo bisha sagalaad ee sannadkan.
Waxaa uu Magoha sheegay in howlaha waxbarashada ay si tartiib ah u billaaban doonaan.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in xarun kasta laga doonayo inay sameyso diyaar garow dhameystiran ka hor inta aan la furin.
Goobaha waxbarashada ee dalka oo ay dowladdu xirtay bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan cudurka COVID19 awgii ayaa lagu wadaa in dib loo furo bisha sagalaad.
Subscribe
0 Comments