Wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug oo shaaciyay inuu fashilmay wada hadalkii Farmaajo iyo Rooble

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Shido ayaa sheegay inuu fashil ku dhammaaday wada hadal maalmihi la soo dhaafay laga dhex waday  Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo khilaaf weyni uu soo kala dhexgalay.

Wasiiru dowlaha oo xalay bartiisa facebook kusoo daabacay qoraal dheer ayaa sheegay in ugu dambayn dadaaladii uu waday madaxweynaha Galmudug ay xalay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan.

Cumar Shido wuxuu sheegay Raysal wasaare Rooble garabkiisa in ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca madaxweyne Farmaajo uu sheegay in lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay fashilka shirka.

Wasiirka Galmudug ma uusan sheegin waxa soo dajiyay fashilka shirka, balse warar aan helnay waxay sheegayaan in lagu heshiin waayay arrinta magacaabida madaxda hay’adda NISA.

Madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ayaa khilaafkoodu sii xoogaysanayaa xilli beesha caalamku ay ku baaqday in si degdeg ah loo dhameeyo khilaafka, si aanay doorashada saameyn ugu yeelan.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.