Xafiiska diiwaangelinta arrimaha dhulalka oo laga furaya Tana River

Warbaahinta dowladda ee KBC ayaa ku warramaysa in tan iyo xilligii ay Kenya qaadatay madax bannaanida in markii ugu horreysay ismaamulka Tana River ee gobolka xeebta uu yeelanaya waax qaabilsan diiwaangelinta arrimaha dhulalka.

Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa fulinta ee adeegyada dhulalka ee dowlad deegaankaas Tana River Mwanajuma Hirbae.

Waxaa uu mas’uulkan sheegay in dowladda dhexe ay ballanqaaday in ka hor dhammaadka sannadkan ay xafiisyo adeegyadan bixinaya ka furi doonto halkaas.

Xilli uu kulan la qaatay xoghayaha sare ee wasaaradda arrimaha dhulalka u qaabilsan dhanka maamulka Gideon Mung’aro ayuu Hirbae sidoo kale xusay in Tana River la geyn doono shaqaale dheeraad oo ka shaqeynaya diiwaangelinta dhulalka iyo qorsheynta la xiriirta.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.