Xarunta dhexe ee wasaaradda beeraha dalka oo aan shaqeyn doonin labo isbuuc

Waxaa muddo labo toddobaad ah xirnaan doonto xarunta dhexe ee wasaaradda beeraha ee dalka oo ku taalla magaalada Nairobi.

Tani ayaa timid kaddib markii qaar ka mid ah shaqaalaha uu haleelay cudurka COVID-19 .

Go’aanka lagu xiray xarunta ugu weyn ee wasaaradda waxaa shaaciyay xoghayaha sare ee dhanka maamulka Kello Harsama.

Harsama ayaa dhammaan shaqaalaha ku amray inay guriyaha ka soo shaqeyaan si goobtan loo buufiyo sidoo kalena loo diyaariyo tallaabooyin kale oo dhanka xaqiijinta badqabka ah.

Ilaa iyo hadda galinkii dambe ee shalay waxaa gudaha Kenya laga diiwaangeliyay xaaladaha caabuqa corona oo dhan 84,169.

Bogasashada guud waxay tahay 55,610 halka tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda u dhintay cudurka COVID-19 gudaha Kenya ay tahay 1,474.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.