Xuska qaran ee maalinka deegaanka oo lagu qabtay Garissa

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo keymaha ee dalka Mr. Keriako Tobiko ayaa sheegay in madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu amar ku bixiyay in xuska qaran ee maalinka adduunka ee deegaanka sanadkan lagu qabto Garissa.

Maalinkan ayaa shalay loogu dabaal degay jaamacadda Garissa.

Mr. Tobiko ayaa xusay in ujeedada arrinkan laga lahaa ay tahay in la xusuusto nolosha 148 qof oo u badnaa arday oo sanadkii 2015-kii lagu dilay weerarkii lagu qaaday jaamacadda magaalada Garissa.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay kooxaha argagixisada u muujinayso in goobtaasi ay weli shaqaynayso horumarna uu ka jiro.

Ilaa 1000 geed ayaa lagu beeray goobta shalay lagu qabtay xuska maalinka deegaanka ee adduunka.

Waxaa munaasabadaasi ka qayb galay madax ay ka mid yihiin wasiirka deegaanka Keriako Tobiko, xoghayaha maamulka sare ee wasaaradaas Maxmad Ibraahim Cilmi , xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Dr. Mercy Mwangangi, agaasimaha guud ee maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA Mamo B. Mamo , senatarka Garissa Cabdiqaadir Maxamad, xildhibaanka Lagdera Maxamad Hire , xoghayihii guud ee hore ee hay’adda laanqayrta cas Cabbaas Guuleed , guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Garissa Meru Mwangi, ku xigeenka madaxa jaamacadda Garissa Prof. Cismaan Warfa iyo mas’uuliyiin kale.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.